Chelsea ayaa wax niyad ah u haynin in ay kala tagaan daafaceeda Benoit Badiashile inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Laacibkii hore ee Monaco ayaa soo maray marxalad adag tan iyo markii uu u soo dhaqaaqay England bartamihii xilli ciyaareedkii 2022-23, isagoo u saxiixay Blues heshiis 7 sano iyo bar ah.
Badshiile ayaa lagu xaddiday 24 kulan oo uu u saftay kooxda ka dhisan Galbeedka London tartammada oo dhan, isagoo dhaliyay labo gool midna caawiye ka ahaa, dhaawacyadii ka soo gaaray caasimadda Ingiriiskana waxba uma tarin.
Sababo la xiriira muruqa iyo gumaarka, 23-sano jirkaan ayaa kaliya 13 kulan u saftay ragga Mauricio Pochettino ololahan, oo ay ku jiraan kaliya todoba kulan oo Premier League ah.
Si kastaba ha ahaatee, mid ka mid ah todobadaas qof ayaa yimid kulankii sabtidii 2-2 ay gurigooda kula galeen Burnley, halkaasoo loo doortay inuu ka garab ciyaaro saaxiibkiisii hore ee Monaco Axel Disasi, inkastoo maalintaas ay ku dhammaatay niyad jab.
kooxda reer Talyaani ee AC Milan ayaa loo maleynayaa inay isha ku heyso xaalada, waxaana laga yaabaa inay lasoo saxiixato daafaca dhexe hadii qaab ciyaareedka Pochettino uusan soo hagaagin.
Si kastaba ha ahaatee, Football.london ayaa ku warameysa in Chelsea aysan qorsheyneynin inay fasaxdo Badiashile.
HBN NEWS DESK