Bruno Guimaraes oo mustaqbalkiisa Newcastle United iyadoo la hadal hayo inuu ka tagayo xilli ay rabaan Barcelona iyo Real Madrid

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Newcastle United Bruno Guimaraes ayaa ku adkeystay inuu “aad ugu faraxsan yahay” kooxda iyadoo ay socdaan warar la isla dhexmarayo oo ku saabsan mustaqbalkiisa.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigaya Magpies tan iyo markii uu kaga soo biiray Lyon bishii Janaayo 2022, isagoo dhaliyay 13 gool, waxaana loo diiwaan geliyay 12 caawin 91 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Guimaraes ayaa laba gool la yimid kulankii Newcastle ay 3-2 kaga badisay Nottingham Forest ee Premier League Axadii si uu kooxda Eddie Howe uga caawiyo inay helaan seddex dhibcood oo muhiim ah.

26 jirkaan ayaa haatan seddex gool dhaliyay lixna caawiye ka ahaa 34 kulan oo uu u saftay Newcastle xilli ciyaareedkan, waxaana uu qandaraas ku joogaa St James’ Park ilaa June 2028.

Waxaa weli jira warar la isla dhexmarayo oo ku saabsan bixitaanka suurtagalka ah, inkastoo Barcelona iyo Real Madrid la sheegay inay labaduba jecel yihiin.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed