Brentford oo miisaamaysa inay amaah ku qaadato Sergio Reguilon iyo kooxdiisa Tottenham qorshe kale waddo

Brentford ayaa miisaamaysa inay amaah ugu dhaqaaqdo daafaca Tottenham ee Sergio Reguilon. Daafaca bidix ayaa xor u ah inuu ka tago Spurs bishaan ka dib markii Manchester United ay soo gaabisay heshiiskii amaahda ahaa.

Brentford ayaa muhimada koowaad ka dhigtay daafacyada cusub bishaan iyadoo ay jirto dhibaato dhaawac.Thomas Frank ayaa lumiyay Rico Henry oo dhaawac halis ah kasoo gaaray jilibka halka Aaron Hickey uu sidoo kale ku maqan yahay dhaawac muruqa ah taniyo bishii November.

Reguilon waxaa loo arkaa ikhtiyaar macquul ah oo loogu talagalay Bees. 27 jirkaan ayaa amaah ugu soo biiray United xagaagii hore si uu u daboolo Luke Shaw laakiin waxa uu kaliya ku soo bilowday 7 kulan intii uu hogaaminayay Erik ten Hag ka hor inta aan dib loogu celin Spurs.

Qandaraaskiisa wuxuu dhacayaa 2025, Spurs ayaana dooneysa inay lacag kaash ah ku hesho.

Postecoglou ayaa si cad u sheegay in Reguilon, oo Spurs ugu biiray heshiis 32 milyan ginni oo uu kaga soo biiray Real Madrid 2020, uusan qeyb ka ahayn qorshihiisa.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed