Borussia Dortmund oo xiddiga Chelsea ah u aqoonsan inuu yahay bartilmaameedka ugu sarreeya xagaaga

Borussia Dortmund ayaa lagu soo waramayaa in ay bartilmaameedka kowaad ee suuqa kala iibsiga xagaaga ka dhigtay xiddiga amaahda uga maqan kooxda chelsea ee Ian Maatsen.
Maatsen waxa uu noqday ciyaaryahan muhiim ah oo ka tirsan kooxda Edin Terzic tan iyo markii uu dhammaystiray heshiis amaah ah oo uu ugu biiray Signal Iduna Park bishii Janaayo.

Daafaca dambeedka midig ayaa saftay 22-kulan tartamada oo dhan,isagoo ka qeyb qaatay dadaalada weerarka kooxda isagoo dhaliyay 3-gool iyo labo caawin.

Maatsen ayaa ku soo bilowday dhamaan lixdii ciyaarood ee bug baxa Champions League ee Dortmund, isagoo ka caawiyay kooxda Jarmalka inay gaarto finalkii ugu horeysay ee Champions League tan iyo 2012-13.

Kadib markii uu gool dhaliyay kulankii Dortmund ay 4-0 kaga badisay kooxda Darmstadt sabtidii, Maatsen ayaa haatan isku diyaarinaya kulanka champions League ee ay Real Madrid kula ciyaari doonto Wembley 1da June.

Iyadoo uu haatan diiradda saarayo arrimaha garoonka dhexdiisa, waa in go’aan laga gaaro mustaqbalkiisa  fog ka hor xilli ciyaareedka soo socda.

Sida ay hadda tahay, Maatsen wuxuu ku laaban doonaa kooxdiisii ​​​​hore ee Chelsea marka uu heshiiskiisa amaahda ah dhammaado dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay saxafiga Patrick Berger, Dortmund ayaa ka dhigaysa mid ka mid ah mudnaanta koowaad si ay ula saxiixdaan Maatsen heshiis joogto ah xagaagan.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed