Ben White oo ku dhaw in hishiis dheer uu u saxiixo kooxdiisa

Arsenal ayaa ku dhow inay heshiis cusub ka saxiixato daafaceeda Ben White, sida lagu sheegay warbixin soo baxday ka dib wadahadalo labada dhinac dhexmaray.

26-sano jirkaan ayaa lagu amaanay joogteynta uu sameeyay tan iyo markii uu Gunners kaga soo biiray Brighton & Hove Albion 2021, isagoo ku soo wareegay 50 milyan ginni inuu kaga tago Amex Stadium.

White ayaa ku soo bilaabay daafaca dhexe ee Mikel Arteta ka hor inta uuna u wareegin booska daafaca midig, xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaa booska kala baxay Takehiro Tomiyasu iyo Cedric Soares oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Hishiiska uu kooxda kula jiro ayaa ku eg  ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2025-26, laakiin Gunners ayaa ka shaqaynaysa sidii ay heshiis cusub u kordhin lahayd bilaha soo socda.

Daafaca ayaa xaqiijiyay inuu doonayo inuu heshiis cusub u saxiixo garoonka Emirates, sida laga soo xigtay Football Insider, wadahadalada uu la leeyahay saaxiibada White ayaa meel wanaagsan maraya.

Arteta ayaa la rumeysan yahay inuu u arko White qayb muhiim ah oo ka mid ah kooxdiisa Arsenal sanadaha soo socda, waxaana jira aaminaad baahsan oo ah in heshiis la isku afgaran doono ka hor dhamaadka ololaha.

HBN SPORTS

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed