Ciyaaryahanka khadka dhexe ee PSV Eindhoven Joey Veerman ayaa hoos u dhigay soo jeedinta uu ugu dhaqaaqi karo Real Madrid inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Ka fariisashada Toni Kroos ciyaaraha Yuuraha ka dib ayaa keentay in ay soo baxaan warar sheegaya in Los Blancos ay la soo saxiixan karto xiddig khadka dhexe ah ka hor xilli ciyaareedka 2024-25, iyada oo loo malaynayo in uu bartilmaameed u yahay Veerman.
Si kastaba ha ahaatee, 25-sano jirkaan, oo haatan ku sugan xulka Netherlands ee ka qeyb galaya Euro 2024, ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya inuu u dhaqaaqayo caasimadda Spain.
Veerman ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay PSV xilli ciyaareedkii 2023-24 isaga oo dhaliyay 7 gool 19 caawiyay 41 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa ku lug yeeshay shan gool iyo 16 caawin 29 kulan oo uu saftay Eredivisie, halka uu sidoo kale ka soo muuqday todobo jeer Champions League, iyadoo naadigiisa Holland ay gaartay wareega 16ka ee tartanka.
HBN SPORTS DESK