Bayern Munich oo war rasmi ah ka soo saartay mustaqbalka tababare Thomas Tuchel kaddib guulo darrooyin uu ku hoggaamiyay kooxda

Bayern Munich ayaa xaqiijisay inay kala tagi doonto tababare Thomas Tuchel dhamaadka xilli ciyaareedka 2023-24.
Dhawaan waxaa jiray hadal heyn ku saabsan mustaqbalka 50 jirkaan ee Allianz Arena, iyadoo kooxda Munich laga badiyay seddexdii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan iyadoo ay kala kulmeen Bayer Leverkusen, Lazio iyo Bochum.

Tuchel ayaa kaliya loo magacaabay tababaraha Bayern bishii March 2023, wuxuuna kooxda ku hogaamiyay horyaalnimada 2022-23 ee Bundesliga, laakiin go’aanka ayaa hadda la gaaray inuu ka tago xagaagan.

Kooxda heysata horyaalka Jarmalka ayaa haatan fadhisa kaalinta labaad ee kala sareynta horyaalka Bundesliga, iyadoo sideed dhibcood ka hooseysa kooxda hogaanka heysa ee Leverkusen, waxaana ay halis ugu jiraan inay arkaan rikoorkooda 11-ka koob oo isku xigta oo xilli ciyaareedkan ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed