Bayern Munich oo hoggamineyso saxiixa xiddiga Bayer Leverkusen Florian Wirtz xilli kooxaha Premier League ay isha ku hayaan

Bayern Munich ayaa ka horreyso dhowr kooxood oo Premier League ah iyo La Liga tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Bayer Leverkusen ee Florian Wirtz.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee 20 jirka ah ayaa loo arkaa mid ka mid ah rajada ugu wanaagsan Yurub, waxaana uu noqday ciyaaryahan fure u ah kooxda koowaad ee Leverkusen dhowrkii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay.

Tan iyo markii uu saftay kulankiisii ​​​​ugu horreysay ee May 2020, Wirtz ayaa u saftay 121 kulan kooxda Jarmalka tartamada oo dhan, isagoo u dhaliyay 29 gool, waxaana loo diiwaan geliyay 40 caawin.

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa sheegeysa in Liverpool ay isha ku heyso bisha Janaayo inay u dhaqaaqdo Wirtz, laakiin agaasimaha maamulka Leverkusen Simon Rolfes ayaa meesha ka saaray rajada uu ciyaaryahanka khadka dhexe ka tagi karo bartamaha ololahan.

Kooxda ku guuleysatay seddexda koob ee Manchester City ayaa la fahamsan yahay inay indha indheeyayaal u dirtay Wirtz oo ka tirsan Bundesliga, halka kooxaha sida Manchester United, Barcelona iyo Real Madrid ay sidoo kale xiiseynayaan.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay wariyaha Sky Deutschland Florian Plettenberg, Wirtz ayaa haatan u janjeera inuu mustaqbalka u dhaqaaqo Bayern Munich, taasoo la sheegay inay fursada ugu fiican u heysato inay da’yarka ka soo kaxeyso Leverkusen.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed