Barcelona oo Premier League ka heshay beddelka mustaqbalka fog ee Sergio Busquets

Kooxda Barcelona ayaa  wado qorshe ay kula soo saxiixanayso xiddiga khadka dhexe ee kooxda Newcastle United iyo xulka qaranka Brazil ee Bruno Guimaraes iyaga oo doonaya in ay ku xoojiyaan kooxda xilli ciyaareedka soo aaddan.

Ciyaaryahankii hore ee Lyon ayaa iska diiday horyaalka Ligue 1 bishii Janaayo 2022 kaasoo ugu biiray Magpies. Tan iyo markii uu ka yimid waqooyiga England, Guimaraes wuxuu udub dhexaad u ahaa kooxda Eddie Howe, isagoo diiwaan geliyay 11 gool iyo siddeed caawin 78 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Guimaraes waxa uu ahaa xidig muhiim ah oo ka tirsan kooxda Newcastle oo gaaray finalka EFL Cupka waxana uu ku dhamaystay kaalinta afraad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkii 2022-23 waxana uu dhaliyay hal gool iyo laba caawin 21 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkaas.

Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, Barcelona ayaa xiiseyneysa Guimaraes, kaasoo ay u arkaan bedelka mustaqbalka fog ee Sergio Busquets.

HBN SPORTS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed