Barcelona ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro tababaraha Bayer Leverkusen Xabi Alonso

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay gashay tartanka loogu jiro saxiixa tababaraha kooxda Bayer Leverkusen ee Xabi Alonso.
Kooxda reer Catalan ayaa haatan raadineysa tababare cusub, iyadoo Xavi uu ka tagi doono booskiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xavi ayaa ku dhawaaqay go’aankiisa ka dib guuldaradii 5-3 ee bishii hore ka soo gaartay Villarreal – natiijadaas oo muujisay iswaafaq la’aanta haysata xilli ciyaareedka Barcelona.

Barcelona ayaa hadda fadhisa kaalinta saddexaad waxayna toban dhibcood ka hoosaysaa kooxda hogaanka haysa ee Real Madrid, halka ay sidoo kale niyad jab kala kulmeen Copa Del Rey iyo Spanish Super Cup.

Inkastoo ay wali ku tartamayaan Champions League, madaxda Barcelona ayaa durba dareenkooda u soo jeediyay cidda ku hoggaamin karta guulo xilli ciyaareedka soo socda.

Sida laga soo xigtay Sport, Alonso waa magac caan ah oo ka dhex jira xubnaha guddiga Barcelona ka dib markii uu dhisay sumcad ahaan mid ka mid ah tababarayaasha aadka looga qadariyo Yurub.

Leverkusen ayaan laga badin dhamaan 31-kii kulan ee ay ciyaartay xilli ciyaareedkan, waxaana ay haatan ku raaxaysanaysaa shan dhibcood oo nadiif ah oo ay ku hayso hogaanka Bundesliga ka dib markii ay Sabtidii 3-0 ku garaacday kooxda ay ku xafiiltamaan horyaalka ee Bayern Munich.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed