Arsenal oo xaraasheysa Kai Havertz kaasoo mustaqbalkiisa Emirates Stadium mugdi uu soo galay

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay doonayso inay Kai Havertz ku iibiso €40m (£35m) sanadka soo socda, iyadoo Jarmalku uu ku dhibtoonayo inuu soo bandhigo sumcaddiisa tan iyo markii uu yimid Emirates Stadium.

Gunners ayaa xiddigan kaga soo iibsatay kooxda chelsea adduun dhan 65 milyan oo gini intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaagan, waxana uu 17 kulan u saftay kooxda ka dhisan Waqooyiga London tartamada oo dhan.

Havertz ayaa kaliya hal gool iyo hal caawin u sameeyay kooxdiisa cusub, inkastoo goolkiisa uu ka yimid rigoore kulankii Bournemouth ee Premier League dhamaadkii bishii September.

Weeraryahanka ayaa mar kale lagu soo bilaabay kulankii Newcastle United isbuucii hore laakiin wuxuu ku guuldareystay inuu muujiyo sumcadiisa, waxaana uu nasiib u yeeshay inuusan helin kaarka cas ka dib markii uu si deg deg ah u galay Sean Longstaff qeybtii hore ee ciyaarta.

Havertz waxa uu kooxda Mikel Arteta kula jiraa heshiis dhacaya June 2028, laakiin waxa jira warar la isla dhexmarayo oo ku saabsan mustaqbalkiisa Emirates Stadium.

Sida laga soo xigtay Defensa Central, Arsenal ayaa ka fikireysa inay ku iibiso Havertz 40 milyan oo Yuuro (£35m) sanadka soo socda, iyadoo Real Madrid la rumeysan yahay inay si dhow ula socoto xaaladda.

Los Blancos ayaa lala xiriirinayay xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka ka hor inta uusan ka tagin Chelsea, laakiin Arsenal ayaa ugu dambeyntii ku guuleysatay tartankii saxiixiisa.

Arteta waxa uu si qoto dheer u isticmaalay Havertz xilli ciyaareedkan, laakiin isbeddelka boosku ma shaqayn, maadaama uu wali ku dhibtoonayo inuu si joogto ah saameyn ugu yeesho ciyaaraha.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed