Arsenal oo isku diyaarinaysa inay u dhaqaaqdo daafaca kooxda Sporting Lisbon Goncalo Inacio isla markaana ay la dhacsan tahay

Arsenal ayaa lagu  isku diyaarinayso in ay la soo wareegto daafaca kooxda Sporting Lisbon ee Goncalo Inacio, sida ay sheegayaan warbixinada soo baxay maanta.

Gunners ayaa hore u wajahday xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal intii lagu jiray sannadkii hore ee wareegga 16-ka ee Europa League, halkaasoo Sporting laga dhaliyay rigoorayaal wiilasha Mikel Arteta ka dib markii ay ku kala baxeen 3-3.

Intii lagu guda jiray barbarihii 2-2 ee lugtii hore, Inacio ayaa madax ku dhaliyay mid ka mid ah 14 gool 143 kulan oo uu u saftay kooxda Ruben Amorim tartamada oo dhan, halka uu sidoo kale gacan ka geystay sideed caawin.

Inacio ayaa horay u soo dhaliyay seddex gool 21 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan intii lagu jiray ololaha 2023-24, oo ay ku jirto  labo gool oo uu ka dhaliyay Sturm Graz guushii Khamiista ee Europa League iyadoo Sporting ay ku dhameysatay kaalinta labaad ee Group D.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay A Bola, waxaa jira € 60m (£ 51.6m) oo lagu burburin karo qandaraaska 22 jirkaan, Arsenal ayaa la filayaa inay kor u qaaddo doorashadaas suuqa Janaayo.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in kooxda Arteta ay qarka u saaran tahay inay soo bandhigto dalab buuxa toddobaadyada soo socda, waxaana ay isha ku haysay xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii hore.

 

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed