Arsenal oo hogaanka u haysa tartanka loogu jiro 20 jirka weerarka uga ciyaara RB Leipzig

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay u dhaqaaqday  tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka RB Leipzig Benjamin Sesko xagaagan.
Sesko waxa uu xirfadiisa sare oo dhan ku qaatay nidaamka Red Bull, isaga oo u soo ciyaaray Red Bull Salzburg iyo FC Liefering ka hor inta aanu ku biirin RB Leipzig xagaagii hore.

Weeraryahanka ayaa ku dhibtoonayay inuu ku soo bilowdo qeybtii hore ee xilli ciyaareedka, sababa la xiriira qaab ciyaareedka weeraryahanka Belgian Lois Openda.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku guuleystay inuu Marco Rose ku qasbo safka, isagoo bilaabay 13 ka mid ah 17kii kulan ee ugu horeysay Bundesliga.

Si cajiib ah, Sesko ayaa shabaqa soo taabtay mid kasta oo ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay ee Leipzig, oo uu ku jiro goolkii barbaraha ee Sabtidii ay barbaraha 1-1 la galeen Werder Bremen.
Isagoo dhaliyay 17 gool 41 kulan oo uu saftay, ninka Leipzig ayaa soo jiitay xiisaha ka hor suuqa kala iibsiga xagaaga.

Arsenal,Chelsea,Man United iyo AC Milan ayaa ka mid ah kooxaha lala xiriirinayo xiddiga heerka caalami ee dalka Czech Republic.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Telegraph, Arsenal ayaa haatan hogaamineysa tartamayaasha tartanka loogu jiro saxiixa Sesko.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed