Arsenal oo diirada saareysa saxiixa weeraryahan ka tirsan kooxda Brentford bisha Janaayo

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay xiriir furan la sameysay wakiilada weeraryahanka Brentford Ivan Toney.

In kasta oo uu horeba uga maqnaa kooxdiisa  toddobo bilood sababo la xiroora ganaax sharadka ah ama qamaar kaas oo socon doona ilaa January , Toney waxa uu u muuqdaa mid udub dhexaad u ah dagaalka suuqa kala iibsiga ee bisha soo socota.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa la rumeysan yahay inuu bartilmaameed weyn u yahay labada kooxood ee Arsenal iyo Chelsea, iyadoo Brentford uu qandaraas kula jiro kaliya ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2024-25.

Arsenal ayaa loo maleynayaa inay ku gacan sareyso kooxda ay London ku xafiiltamaan ee Chelsea tartanka loogu jiro saxiixa 27 jirkaan, kaasoo la filayo inuu ku faraxsan yahay inuu u dhaqaaqo Emirates 2024.

Sida laga soo xigtay saxafiga Rudy Galetti, Gunners ayaa hadda la xiriirtay saaxiibada Toney, waxayna haatan ka fikirayaan inay dalab rasmi ah ka gudbiyaan Brentford iyo in kale.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed