Arsenal iyo Liverpool oo isku aaday wareega 3-aad ee FA Cup-ka xilli la shaaciyay kulamada kale oo ay ku jiraan kulamo xiiso leh

Kooxaha waa wayn ee Premier League ee Arsenal iyo Liverpool ayaa isku aaday kulan ka tirsan wareega saddexaad ee FA Cup-ka.
Mikel Arteta iyo kooxda Jurgen Klopp ayaa hadda ku tartamaya booska ugu sarreeya horyaalka, laakiin waxay ciwaan ka dhigi doonaan usbuuca ugu horreeya ee 2024.

Kooxda heysata horyaalka Manchester City ayaa la siiyay kulan gurigooda ay ku wajahayaan Huddersfield Town, halka kooxdii ku guuleysatay 2013 ee Wigan Athletic ay wajaheyso Manchester United.

Ciyaar kale oo aadka u xiisaha badan, Newcastle United ayaa u safri doonta kooxda ay ku xifaaltamaan Waqooyi Bari ee Sunderland, halka koox kale oo aagga ku jirta ee Middlesbrough ay la ciyaari doonto Aston Villa.

Chelsea ayaa Stamford Bridge ku soo dhawayn doonta Preston North End, halka Tottenham Hotspur ay la ciyaari doonto Burnley.

Brentford ayaa wajihi doonta Wolverhampton Wanderers halka Crystal Palace ay la ciyaari doonto Everton kulamada kale ee heerka sare ah.

 

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed