Arsenal iyo Chelsea oo lala xiriirinayaa Karim Benzema oo wadahadalo kula jira koox ka dhisan France

Kooxda Lyon ayaa lagu soo waramayaa in ay isku dayayso in ay dib ula midoobo  Karim Benzema kaasoo u soo ciyaaray kahor inta uusanku biirin Real Madrid.
Halyeeyga weerarka ka ciyaara ayaa kaliya soo afjaray xiriirkii dheeraa ee uu kula jiray Real Madrid xagaagii si uu lacag badan ugu wareego Al-Itixaad.

Si kastaba ha ahaatee, halka 36 jirkaan uu dhaliyay 12 gool 20 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan, naadigiisa ayaa 25 dhibcood ka hooseysa hogaamiyaasha Al-Hilal ee horyaalka Saudi Pro League

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya inay jiraan arimo daaha gadaashiisa ah, iyadoo Benzema la sheegay inuu seegay tababaro badan oo uusan ka qayb qaadanin tababarkii bartamihii xilli ciyaareedka ee Dubai.

Natiijo ahaan, waxaa jiray warar la isla dhexmarayo oo ku saabsan inuu meel kale u wareegayo, inkastoo halyeeyga uu qandaraas seddex sano ah oo qaali ah kula jiro kooxda difaacaneysa horyaalka Sacuudi Carabiya.

Arsenal iyo Chelsea ayaa mid walba lagu qiimeeyay xiisaha ay u qabaan in ay heshiis amaah ah kala xaajodaan xiddiga reer France iyaga oo isku dayaya in ay xoojiyaan weeraradooda.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed