AKHRSO: Arsenal oo lacag ka heleyso Fulham markii ay xaqiijisay in sii joogeyso Premeir League-ga xilli ciyaareedkaan

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhowdahay inay jeebka ku shubato 2 milyan ginni iyada oo Fulham ay xaqiijisatay maqaamkeeda Premier League, iyadoo soo xiganaysa qodob ku jira heshiiska Bernd Leno ee Cottagers.
Tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda Marco Silva, 32-sano jirkaan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay, isagoo helay qandaraas kordhin uu ku sii hayn doono Craven Cottage ilaa xagaaga 2027.

Horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan kaliya xiddiga Arsenal David Raya ayaa dhaafay Leno 9-kii kulan ee uu shabaqooda shabaqa ilaashaday, Raya ayaa haatan ku jira kaalinta 1-aad isaga oo ilaa haatan shabaqooda ilaashaday 12 kulan.

Iyadoo Fulham ay leedahay hami ka baxsan badbaadada oo kaliya, guushoodii ay ku gaareen garoonka London Stadium Axadii ayaa xaqiijisay badbaadada u laabashada heerka labaad.

Fulham ayaa qarash gareyn doonta £2m ka dib markii ay xaqiijisatay u soo bixida Premier League
Ka dib markii ay xaqiijiyeen inay ku sii jiraan Premier League xilli ciyaareed kale, The Mirror ayaa warineysa in Fulham ay tahay inay hadda fuliso malaayiinta dollar ee ay siisay Arsenal sida uu dhigayo qandaraaska goolhayihii hore ee Gunners.

 

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed