Agaasimaha ciyaaraha Barcelona Deco oo war cusub ka soo saaray mustaqbal Ronald Araujo iyo Frenkie de Jong

Agaasimaha ciyaaraha ee Barcelona Deco ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya in Ronald Araujo iyo Frenkie de Jong ay ka tagi karaan kooxda xagaagan.
Iyadoo Catalans ay dooneyso inay horumariso xaaladooda dhaqaale, waxaa jiray soo jeedin ah in kooxdu ay isku dayi karto inay lacag uruursato iyadoo ciyaartoy ku iibineysa suuqa xagaaga.

Araujo ayaa ka mid ah magacyada lala xiriirinayo inay ka tagayaan, iyadoo xiddiga reer Uruguay la rumeysan yahay inuu bartilmaameed u yahay kooxda Jarmalka ee Bayern Munich.

Inkastoo ay jiraan warar sheegaya inay xiiseynayaan Bavarians, tababaraha Barcelona Xavi ayaa dhawaan sharaxay muhiimada ay kooxdu u leedahay inay sii haysato adeega Araujo.

Dhanka kale, mustaqbalka De Jong ayaa sidoo kale ahaa mowduuca la isla dhexmarayay dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay ka dib markii markii hore la soo jeediyay inuu u furan yahay inuu ka tago xagaaga.

Wararka xanta ah ayaa horseeday in xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands lala xiriiriyo inuu u wareegayo Manchester United, Chelsea iyo Paris Saint-Germain.

Si kastaba ha ahaatee, De Jong ayaa dhawaan isku dayay inuu meesha ka saaro wararka la isla dhexmarayo, isagoo ku tilmaamay wararka been abuur ah ka hor kulanka Arbacada ee Champions League ay barbaraha la galeen Napoli.

Deco ayaa haatan xaqiijiyay in Barcelona ay doonayso inay sii haysato labada Araujo iyo De Jong wixii ka dambeeya dhamaadka xilli ciyaareedkan.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed