Mustaqbalka Mason Greenwood oo miiska la soo saaray

Getafe ayaa lagu soo waramayaa inay u sheegtay Manchester United inay diyaar u tahay inay 40 milyan ginni ku iibiso Mason Greenwood inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga soo aadan.

Mustaqbalka 22-sano jirkaan ayaa haatan ah mawduuc aad loo hadal hayo, iyadoo labada kooxood ee Barcelona iyo Real Madrid la sheegay inay xiiseenayaan inay kala soo saxiixdaan Man United xagaaga 2024-ka.

Isagoo loo sheegay inuusan mar kale matali doonin Red Devils, Greenwood ayaa amaah ugu soo dhaqaaqay Getafe 1-dii Sebtembar, waxaana uu qaab ciyaareed xoogan ku soo bandhigay kooxda ka dhisan La Liga, isagoo ka qeyb qaatay shan gool afarna caawiye ka ahaa 15 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Sida laga soo xigtay The Sun, Getafe ayaa u sheegtay Man United inay diyaar u tahay inay Greenwood ku iibiso 40 milyan ginni inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga soo aadan, laakiin kooxda ka dhisan caasimadda ayaa tartan weyn kala kulmeysa saxiixiisa.

Si la mid ah kooxaha Barcelona iyo Real Madrid, Valencia iyo Real Sociedad ayaa la sheegayaa inay doonayaan ciyaartoy wacdaro ka dhigaya horyaalka Spain tan iyo markii uu yimid, 14 kulan oo uu saftayna ka qayb qaatay saddex gool iyo afar caawin.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed