Real Madrid oo laga yaabaa inay 175 milyan ginni ku soo xerogeliso Erling Haaland

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay bixiso €200m (£ 175m) oo lagu burburin karo qandaraaska Erling Haaland ee Manchester City inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda.

23-sano jirkaan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay tan iyo markii uu Man City kaga soo biiray Borussia Dortmund xagaagii 2022, isagoo dhaliyay 67 gool, waxaana loo diiwaan geliyay 12 caawin 70 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Haaland ayaa door muhiim ah ka ciyaartay guushii ay Citizens ku qaadeen seddexda koob ee xilli ciyaareedkii hore, isagoo dhaliyay 52 gool, waxaana uu diiwaan geliyay sagaal caawin 53 kulan oo uu saftay.

Sida laga soo xigtay AS, u dhaqaaqista Haaland waxaa hadda si dhab ah uga fiirsanaya mas’uuliyiinta Bernabeu.

Warar is khilaafaya ayaa kasoo baxayay heshiiska lagu burburin karo qandaraaska weeraryahanka, laakiin wararka ayaa sheegaya inuu jiro qiimo lagu burburin karo qandaraaskiisa 200 milyan euro (£ 175m).

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed