Marcus Rashford oo laga waayay safka Man United iyo Erik ten Hag oo ka hadlay

Marcus Rashford ayaan lagu darin shaxda Manchester United ee wajihi doonta Fulham garoonka Craven Cottage, xiddigaan ayaa ku biirayab dhaawacyada badan ee kooxdiisa kaga maqnaa in muddoo ah, taas oo walaac ku sii abuurtay kooxda maaddaama United ay guul darrooyin xiriir ah la kulmeysay taniyo xilli ciyaareedkaan.

Tababaraha Red Devils Erik ten Hag ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in ay tahay wax aan la aqbali karin in weeraryahanku uu ku dabaaldego dhalashadiisa goob lagu caweeyo ka dib guuldaradii ka soo gaartay Manchester City isbuucii hore.

Si kastaba ha ahaatee, Rashford ayaa ku guuldareystay inuu u maro tijaabada caafimaadka, Ten Hag ayaa u xaqiijiyay TNT Sports, iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka England la sheegay inuu dhaawac ka soo gaaray lugta.

Man United ayaa waxaa isku biirsaday dhaawacyo badan, iyada oo kooxdu ay soo bandhigtay ciyaaro aad u liito ololahaan.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed