Mikel Arteta oo ka hadlay xaaladda Declan Rice kulanka Arbacada ee West Ham United.

Maamulaha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa ku rajo weyn in Declan Rice lagu soo dhaweeyo garoonka London Stadium si uu u ciyaaro kulanka Arbacada ee West Ham United.

Kabtankii hore ee Hammers ayaa kooxda David Moyes ku hogaamiyay Europa League xilli ciyaareedkii 2022-23, inkastoo uusan qarsanin rabitaankiisa ah inuu u tartamo Champions League horaantii ololahan.

West Ham ayaa ku guuleysatay inay ilaalsato khadka dhexe dhowr sano, laakiin qandaraaskiisu wuxuu dhacayaa xagaaga 2024 – inkastoo ay heystaan ​​ikhtiyaar 12 bilood oo dheeri ah – balse Arsenal ayey ka iibiyeen lacago record ah oo dhan 105 milyan ginni.

Tan iyo markii uu ka soo wareegay West Ham kuna biiray Emirates, 24-sano jirkaan waxaa uu ku soo bilaabay dhammaan 14-kii kulan ee 2023-24 ilaa hadda isagoo labo gool dhaliyay iyo labo caawin ah.

Si kastaba, laacibkaan ayaa wajihi doono kooxdiisa hore, halkaas oo lagu wado in lagu soo dhaweyo markii ay Gunners ay booqoto arbacada.

Areta ayaa sheegay in Declan Rice  lagu soo dhaweyn doono kooxdii uu ku soo barbaaray.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed