Messi oo markii 8-aad hantay Ballon d’Or

Weeraryahanka kooxda Inter Miami iyo xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa ku guulaystay abaal marinta Ballon d’Or markii siddeedaad oo ah mid  taariikhiga ah xafladii ka dhacday magaalada Paris ee dalka France.

36-sano jirkaan ayaa aruursaday abaalmarintan 2023 abaalmarintiisii ​​​​hore waxaa uu qaatay 2009, 2010, 2011, 2012, 2015, 2019 iyo 2021 ka dib markii uu hogaaminayay koobkii adduunka ee seddexaad ee Argentina.

Todobo gool iyo seddex gool caawin ayuu ka dhaliyay tartanka 2022, Messi waxa uu la wareegay kubbada dahabka, isagoo noqday ciyaaryahankii abid ugu horeeyay ee ku guuleysta abaalmarintaan wax ka badan hal mar, sidoo kale wuxuu ku dhameystay kaalinta labaad ee tartanka kabaha dahabka isagoo ka dambeeya Kylian Mbappe.

36-sano jirkaan ayaa la yimid 21 gool iyo 20 caawin 41 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkiisii ​​​​labaad iyo kan ugu dambeeyay ee Paris Saint-Germain, oo ay ku jirto heerka sare ee 16 Ligue 1.

Messi waxaa goobta la fadhiyay xiddiga Manchester City Erling Haaland, kaasoo kaalinta labaad ku dhameystay ciyaaryahankii, ​​halka saaxiibkiisii ​​hore ee PSG Mbappe uu galay kaalinta seddexaad.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed