Xulka kubadda cagta Soomaaliya oo caawa wajahaya dalka Botswana

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa Caawa 10-ka habeenimo kulan adag oo ka tirsan isreeb reebka Koobka Aduunka ee sanadka 2026-ka ee Afrika kaga hortagaya dhigooda dalka Botswana.

Soomaaliya ayaa Kulankaan oo Caawa ka dhici doono garoonka kubadda cagta Francistown Stadium ee dalka Botswana, iyada oo dalka ay la dhexeyso ay u dhexeeyaan dalal badan dhanka kala sareynta.

Macalinka Xulka Qaranka Soomaaliya Yuusuf Cali Nuur (Yuu Cali) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Caawa Xulkiisa uu doonayo inuu guul weyn ka soo hooyo kulanka ay la cayaari doonaan Botswana.

Sida la sheegay, xulka Botswana wuxuu fursad u haystay inuu u soo baxo tartanka isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026 ee Group G, balse hadda waxay lix dhibcood ka dambeeyaan hoggaanka Algeria ka hor inta aysan la ciyaarin xulka Soomaaliya. Soomaaliya, dhankeeda, waxay heshay hal dhibic oo kaliya shantii kulan ee ay ciyaartay ilaa hadda.

Xulka Qaranka ayaa dhankooda ka dalbaday shacabka inay taageero lasoo garab istaagaan inta ciyaartu socoto. Xulka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu difaac adag la yimaado si ay mar kale dhibco uga helaan ciyaartan, halka Botswana ay fursad weyn u haystaan maadaama ay gurigooda joogaan.

Ugu dambeyntii rajada Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa aad u wanaagsan hadii kulanka Caawa haddii ay guul ka keenaan rajo wanaagsan ay ka sii lahaan doonaan ciyaaraha, waxaana xusid mudan in kulankii kan ka horeeyay Soomaaliya la soo ciyaartay Xulka kubadda Cagta dalka Guinea, waxaana kulankaas uu ahaa mid kusoo idlaaday barbaro 0-0 ah 90-kii daqiiqo ee ciyaarta loogu talo galay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed