Shan wasiir arrimo dibadeed oo Carbeed iyo sarkaal sare oo Falastiini ah ayaa si wadajir ah warqad ugu diray Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, iyaga oo ka soo horjeestay qorshaha Madaxweyne Donald Trump uu ku dhawaaqay bishii Janaayo dhammaadkeedii ee lagu doonayo in Falastiiniyiinta lagu barakiciyo Gaza.
Warqadda waxaa saxiixay wasiirrada arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Qatar, Masar, iyo Urdun, iyo sidoo kale la-taliye sare oo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Falastiin, Xuseen al-Sheikh.
Warqaddan ayaa la diray intii lagu guda jiray kulan ay yeesheen diblomaasiyiinta Carbeed iyo Timothy Lenderking, kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ee arrimaha Bariga Dhexe.
Trump ayaa markii ugu horreysay soo jeediyay fikradda ah in Urdun iyo Masar ay qaataan Falastiiniyiinta Gaza bishii Janaayo 25-keedii. Markii wax laga weydiiyay in uu qorshahan yahay mid muddo dheer ama muddo gaaban ah, Trump wuxuu ku jawaabay: “Labadaba wuu noqon karaa.”
Hadalka madaxweynaha Mareykanka ayaa kiciyay cabsi muddo dheer soo jirtay oo ay Falastiiniyiintu ka qabeen in si joogto ah looga raro guryahooda, taas oo dadka arrinkan dhalliilsan ku tilmaameen qorshe lagu fulinayo xasuuq qowmiyadeed. Masar, Urdun, iyo dalal kale oo Carbeed ayaa diiday soo jeedintaas.
“Dib-u-dhiska Gaza waa in si toos ah loogu sameeyo iyada oo la kaashanayo dadka Gaza laftooda. Falastiiniyiintu waa inay ku noolaadaan dhulkooda oo ay ka qaybqaataan dib-u-dhiska” ayaa lagu yiri bayaanka.
“Lama rari karo inta dib-u-dhisku uu socdo, balse waa in ay si firfircoon uga qaybqaataan habka dib-u-dhiska iyaga oo helaya taageerada beesha caalamka” ayaa mar kale lagu xusay bayaanka.
Diblomaasiyiinta Carabta ayaa xaqiijiyay in ay doonayaan in ay la shaqeeyaan maamulka cusub ee Mareykanka si ay u taageeraan nabadda iyo xasilloonida Bariga Dhexe, ayna dib u bilaabaan dadaallada lagu gaarayo xal cadaalad ah oo waara oo ku saleysan mabda’a laba dowladood oo ay yeeshaan Falastiin & Israa’iil, si waafaqsan qaraarrada sharciyadda caalamiga ah.
Waxay adkeeyeen baahida loo qabo in Mareykanka lala xoojiyo wada-shaqeynta si loo dhiirrigeliyo ammaanka iyo xasilloonida gobolka, iyaga oo muujiyay kalsooni ay ku qabaan awoodda labada dhinac ee ah in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan mustaqbal ammaan, xasilloon, oo barwaaqo ah oo Bariga Dhexe ah.
Sida uu sheegay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar, safiirrada dalalkii saxiixay bayaan ay ka soo saareen Qaahira waxay sii wadi doonaan xiriirka iyo kulamada ay la leeyihiin saraakiisha sare ee Aqalka Cad, Golaha Amniga Qaranka, iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka inta lagu jiro waqtiyada soo socda.
Kulamadan ayaa diiradda saari doona gudbinta mowqifyada Carabta iyo aragtida mideysan ee Carabta, iyo xoojinta iskaashiga iyo isku-xirnaanta lala yeelanayo maamulka Trump ee dhammaan arrimaha muhiimka ah ee hadda saameynaya ajandaha gobolka.
Bishii Janaayo 19, waxaa dhaqan galay xabbad-joojinta u dhexeysay Xamaas iyo Israa’iil, iyadoo wajiga koowaad uu socon doono 42 maalmood, intii lagu guda jirayna waxaa lagu heshiin doonaa in la bilaabo wajiga labaad iyo kan saddexaad, waxaana dhexdhexaadinta wada Masar, Qatar, iyo Mareykanka.
Israa’iil oo taageero ka helaysa Mareykanka waxay duqeyn iyo weeraro ka waday Gaza intii u dhaxeysay Oktoobar 7, 2023, iyo Janaayo 19, 2025, waxaana ay gaystay wax lagu sifeeyay xasuuq, kaas oo sababay dhimashada & dhaawaca in ka badan 159,000 oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo intooda badan ay ahaayeen carruur iyo haween, halka ay wali la la’yahay in ka badan 14,000 qof.
HBN Online TV