Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Casemiro ku wareersan mustaqbalkiisa ciyaareed

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Casemiro ayaa laga yaabaa inuu si lama filaan ah u sii joogo kooxda xagaagan, sababtoo ah qarashka lagu kansali karo qandaraaskiisa, sida ay wararku sheegayaan.
Laacibkii hore ee Real Madrid ayaa si joogto ah uga dhex muuqday safka Red Devils intii lagu jiray ololihii ugu horreeyay ee Erik ten Hag, isagoo si xooggan loola xiriirinayay in uu bixi doono ololaha cusub.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa weli u ah tiirka dhexe ee Ten Hag, isagoo inta badan ka garab ciyaara daafaca da’da yar ee Kobbie Mainoo, waxaa uu ciyaaray

Inkastoo Casemiro uu wali labo sano uga harsan yahay qandaraaskiisa, islamarkaana uu heysto ikhtiyaar uu ku kordhin karo ilaa xagaaga 2027, bixitaankiisa ayaa loo arkayay mid lama huraan ah sababtoo ah qaab ciyaareedkiisa hoos u dhacay.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo ay xiiseynayaan kooxo ay taageerayaan Sanduuqa Maalgelinta Dadweynaha ee Saudi Pro League, Man United ayaa la rumeysan yahay inaysan wax dalab ah ka helin, sida laga soo xigtay The Sun wadadaas ayaa noqon karta mid aad qaali  ah.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed