Liverpool oo dalabaad ka gudbineysa laacib u ciyaara kooxda reer Talyaani ee Juventus kaasoo la soo bandhigay

Liverpool ayaa  xiriir la samaysay xiddiga khadka dhexe ee Juventus Adrien Rabiot iyada oo laga yaabo in ay u dhaqaaqdo xagaagan.
Rabiot ayaa u muuqday mid qarka u saarnaa inuu u dhaqaaqo Premier League 2022 markaas oo kooxda ay xafiiltamaan Liverpool ee Manchester United ay dooneysay.

Red Devils ayaa heshiis la gaartay Juventus, balse heshiiska ayaa burburay ka dib markii ay isku fahmi waayeen arrimo shaqsi ah.

Labo sano ka dib, mustaqbalka Rabiot ayaa mar kale la isla dhexmarayaa, iyadoo qandaraaskiisu uu dhacayo dhamaadka bishan.

Laacibka reer France ayaa la rumeysan yahay inuu sugayo Man United inay la xiriirto, laakiin waa la arki doonaa haddii Red Devils ay ka fiirsan doonto inay dib u cusbooneysiiso xiisaheeda.

Sida laga soo xigtay Sportitalia, Liverpool waa mid ka mid ah dhowr kooxood oo diiwaan gashan inay xiiseynayaan inay Rabiot ka dhigaan saxiixii ugu horreeyay ee xilligii Arne Slot.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed