Man United oo go’aan ka gaareysa in ay heshiis cusub ka saxiixato Bruno Fernandes xilli ay jiraan warar sheegaya in uu kooxda ka tagi doono

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inaysan muhiimad degdeg ah u arag inay kala xaajooto qandaraaska cusub ee Bruno Fernandes, iyadoo qandaraaskiisu uu weli socdo laba sano.
Kabtanka Red Devils ayaa markale qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2023-24, isagoo dhaliyay 15 gool, waxaana loo diiwaan geliyay 13 caawin 49 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Dhowaan waxaa jiray warar la isla dhexmarayay oo ku saabsan mustaqbalkiisa, inkastoo Bayern Munich la rumeysan yahay inay diyaar u tahay inay u sahamiso heshiiska inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxaha Saudi Pro League ayaa sidoo kale loo maleynayaa inay si dhow isha ugu hayaan  Fernandes, iyadoo u dhaqaaqista qaybta faa’iidada badan leh ay suurtagal tahay.

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in Fernandes uusan ka mid ahayn lixda lama taabtaanka ah ee kooxda Man United, kooxduna waxay doonaysaa inay u ogolaato inuu ka tago xagaagan haddii dalab muhiim ah uu yimaado.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Manchester Evening News, heshiiska cusub ee xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal looma arko mudnaanta kooxda xilligan.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed