Raphael Varane ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagayo Manchester United dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu qandaraaskiisu dhaco.
Laacibkii hore ee Real Madrid ayaa sumcad ku yeeshay inuu yahay mid ka mid ah daafacyada dhexe ee ugu fiican adduunka ka hor inta uusan ku biirin Red Devils 2021, isagoo Los Blancos kula guuleystay afar koob oo Champions League ah marka lagu daro Koobka Adduunka 2018 ee France.
Man United ayaa €40m (£34.4m) ku iibsatay Varane Old Trafford saddex sano ka hor, tan iyo markii uu sameeyay qeyb muhiim ah oo ka mid ah safka dambe ee Red Devils, isagoo u saftay 93 kulan wuxuuna dhaliyay labo gool.
Varane waxa uu ku faanaa bilada EFL Cup-ka iyo bilada labaad ee FA Cupka waqtigiisii Manchester, waxaana uu ciyaaray 30 kulan oo kale xilli ciyaareedkan, inkastoo dhaawacyo iyo tartanka boosaska ay ku xaddideen 16 kulan oo Premier League ah.
Markii hore waxaa la sheegay in 31-sano jirku uu saxiixay heshiis afar sano ah markii uu yimid Manchester 2021, laakiin wuxuu dhab ahaantii ogolaaday qandaraas seddex sanno ah oo uu ku dooran karo 12 bilood oo dheeri ah.
Raphael Varane ayaa muuqaal uu soo dhigay barihiisa bulshada ku sheegay in uu ka tagayo kooxda,kaasoo si weyn loogu faafiyay warbaahinta ciyaaraha.
HBN SPORTS DESK