Kabtanka Manchester United Fernandes miyuu ka tagayaa Old Trafford xilli Erik ten Hag uu hadlay

Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaan ka walwalsanayn kabtanka Red Devils Bruno Fernandes inuu ka tago Old Trafford.
Inkastoo lagu dhaleeceeyay falanqeyntiisa garoonka dhexdiisa iyo ku haboonaantiisa kabtanimo, xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal ayaa udub dhexaad u ahaa Man United tan iyo markii uu ka yimid Sporting Lisbon bishii Janaayo 2020.

Fernandes ayaa 79 gool iyo 64 caawin sameeyay 230 kulan oo uu u saftay Man United tartamada oo dhan, oo ay ku jiraan 15 gool iyo 11 caawin 45 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan.

29 jirkaan ayaa loo dalacsiiyay kabtanka joogtada ah xagaagii hore ka dib markii Harry Maguire laga xayuubiyay calaamada, waxaana wali ka harsan labo sano qandaraaskiisa, taasoo ay ku jirto ikhtiyaar 12 bilood oo dheeri ah.

Ten Hag: ‘Fernandes xaqiiqdii wuu sii joogi doonaa Man United’
Kubadsameeyaha reer Portugal ayaa weli kabtan u noqon kara Red Devils hanashada koobka FA Cupka iyagoo isku diyaarinaya inay finalka wajahaan Manchester City sannadkii labaad, laakiin waxa uu dhawaan sii shiday wararka sheegaya inuu bixi doono.

Si kastaba ha ahaatee, dadaalka Fernandes ee xilli ciyaareedkan ayaa inta badan noqday mid aan waxba ka jirin, iyadoo Man United ay ku dhameysatay kaalinta ugu hooseysa Group-kooda Champions League, islamarkaana aysan awoodin inay u soo baxaan sanadka soo socda, maadaama ay ku jiraan kaalinta 7aad ee kala sarreynta Premier League.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed