Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal Thomas Partey u aqoonsatay saxiix macquul ah inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Waxaa jira hadal heyn badan oo ku saabsan mustaqbalka xiddiga reer Ghana, iyadoo qandaraaskiisa Emirates Stadium uu dhacayo xagaaga 2025.
Partey ayaa lagu xaddiday 13 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan dhaawac dartiis, laakiin waxa uu ciyaaray 90kii daqiiqo ee uu ciyaaray todobaadkii hore kulankii ay 2/0 kaga badiyeen Tottenham Hotspur ee horyaalka Premier League.
Kulanka North London Derby ayaa ahaa kulankii ugu horeeyay ee uu xiddiga khadka dhexe ka soo muuqdo Gunners kulan horyaalka ah tan ilaa maalintii labaad ee xilli ciyaareedka 2023-24.
Sida laga soo xigtay saxafiga Adrian Sanchez, Barcelona ayaa 30-sano jirkaan u aqoonsatay saxiix macquul ah xagaaga, waxayna doonayaan inay bilaabaan wada xaajood si ay u fahmaan qiimaha heshiiska.
HBN SPORTS DESK