Goolhayaha Manchester City Ederson miyuu seegi doonaa kooxdiisa inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan?

Xiddiga reer Brazil ayaa ku riyaaqaya xilli ciyaareedkiisii ​​todobaad oo buuxa garoonka Etihad Stadium waxana uu ilaa haatan saftay 40 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii 2023-24.

Ederson ayaa ku soo bilowday kulankiisii ​​ugu dambeeyay ee Citizens ay 2-0 kaga badiyeen Nottingham Forest horyaalka Premier League isbuucii hore, laakiin waxaa lagu qasbay inuu garoonka ka baxo waqtigii nasashada markii uu dhaawac garabka ah kasoo gaaray.

30-sano jirkaan ayaa waxaa soo gaaray dhaawac naxdin leh ka dib markii ay isku dhaceen daafaca Forest Willy Boly bartamihii qeybta hore ee ciyaarta, inkastoo uu awooday inuu sii wato daweynta ka dib, waxaa ugu dambeyntii lagu bedelay Stefan Ortega.

Pep Guardiola ayaa ciyaarta kadib qirtay in dhaawaca Ederson uusan u muuqan mid wanaagsan, waxaana markii dambe soo baxayay warar sheegaya in goolhayaha uu maqnaan karo inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Sida laga soo xigtay Manchester Evening News, baaritaano dheeri ah oo lagu sameeyay garabka Ederson ayaa lagu xaqiijiyay in arintiisa aysan aheyn mid halis ah, waxaana ay rajeynayaan inuu taam u noqdo inuu soo laabto ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed