Tababaraha kooxda Brentford Thomas Frank ayaa meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in Brentford ay diyaar u tahay inay dalab 30 milyan ginni ah ay ka gudbiyeen Arsenal iyo Chelsea xiddigiisa Ivan Toney.
Lacagtii ugu badnayd ee Bees ay ku soo iibsatay abid waxa ay Aston Villa kaga soo iibsatay Ollie Watkins 33 milyan oo gini, kaasoo dhawaan laba gool ka dhaliyay iyaga oo barbaro 3-3 ah ku dhamaaday.
Intaa waxaa dheer, David Raya ayaa u muuqda inuu si joogto ah ugu dhaqaaqi doono Arsenal lacag dhan 27 milyan ginni xagaagan, ka dib heshiis amaah ah oo bilow ah oo ay Gunners horay uga soo bixisay 3 milyan ginni.
Waxaa la filayaa in Toney uu ka tagi doono Brentford xagaagan, iyadoo qandaraaskiisu uu dhacayo 2025. Frank ayaa sidoo kale si cad u qiray in kooxdu ay soo dhaweyn doonto dalabaadka weeraryahanka, waa haddii ay buuxiyaan qiimaha la doonayo.
Sida laga soo xigtay The Standard, Arsenal iyo Chelsea oo ay weheliyaan kooxaha kale ee Yurub, ayaa muujiyay xiisaha ay u qabaan saxiixa xiddiga reer England, kaasoo wararkii ugu dambeeyay ay soo jeedinayeen in lagu heli karo 30 milyan oo ginni oo kaliya.
Si kastaba ha ahaatee, kooxaha fadhigoodu yahay London ayaa haatan dhabarjab ku ah raacdada ay ugu jiraan 28-jirka weerarka ka ciyaara, iyadoo Frank uu sheegay in iibinta Toney oo qiimo dhimis ah oo gaaraya 30-£40m ay ganacsi xumo u noqon doonto Brentford.
HBN SPORTS DESK