Arsenal iyo Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseynayaan saxiixa daafaca garabka ee Bayer Leverkusen Alejandro Grimaldo.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa todobo sano ku qaatay kooxda reer Portugal ee Benfica ka hor inta uusan si xor ah ugu biirin Leverkusen xagaagii hore.
Grimaldo laftiisu waxa uu noqday qayb muhiim ah oo ka tirsan kooxda Xabi Alonso, isagoo dhaliyay 11 gool, caawiyena ka ahaa 15 kale 41 kulan oo uu saftay.
28-sano jirkaan ayaa ka caawiyay Leverkusen inay 16 dhibcood ku qabato hogaanka Bundesliga, waxaana uu sidoo kale qeyb ka qaatay safarkoodii finalka DFB-Pokal iyo finalka Europa League.
Inkastoo uu qandaraas kula jiro ilaa Juun 2027, Grimaldo ayaa la rumeysan yahay inuu xiiso ka helayo laba miisaan oo Premier League ah.
Sida laga soo xigtay FootballTransfers, Arsenal iyo Liverpool ayaa isha ku haya xaalada Grimaldo ka hor suuqa kala iibsiga xagaagan.
Warbixinta ayaa sheegeysa in labada kooxood ee ka ciyaara Premier League ay xafiiltamaan Bayern Munich, kuwaasoo isha ku haya bedelka Alphonso Davies.
HBN SPORTS DESK