Tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa diiday inuu wax tilmaamo ah ka bixiyo mustaqbalka Luka Modric markii wax laga waydiiyay khabiirka khadka dhexe intii lagu jiray shirkiisa jaraa’id ee sabtidii.
Modric ayaa kaliya qandaraas kula jira Los Blancos ilaa dhamaadka bisha June, waxaana si weyn loo rumeysan yahay in 38-sano jirkaan uu soo afjari doono xiriirkii dheeraa ee uu kooxda kula lahaa caasimadda xagaagan.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Croatia ayaa mar kale si joogta ah ugu ciyaara kooxda Real Madrid xilli ciyaareedkan, isagoo u saftay 33 kulan tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay labo gool, waxaana loo diiwaan geliyay lix caawin.
Si kastaba ha ahaatee, kaliya 12 jeer ayuu ku soo bilowday horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan, isagoo lagu qasbay inuu aqbalo door la dhimay sababtoo ah tartanka boosaska khadka dhexe.
Modric ayaa la rumeysan yahay inuu xiiso ka helayo Saudi Arabia, laakiin Ancelotti ayaa diiday inuu ka hadlo mustaqbalka ciyaaryahanka khadka dhexe mar uu la hadlayay warbaahinta ka hor kulanka axada ee Athletic Bilbao.
HBN SPORTS DESK