Christian Eriksen oo ay soo food saartay mustaqbal xumo ciyaareed Sida laga soo xigtay Football Insider

Manchester United ayaa laga soo warinaa inay dooneyso Christian Eriksen inuu ka tago kooxda xagaagan.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Denmark ayaa si bilaash ah ugu dhaqaaqay Old Trafford bishii Luulyo 2022 ka dib markii uu wacdaro ka dhigay Brentford qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii 2021-22.

Eriksen waxa uu ahaa ciyaaryahan muhiim u ah Red Devils xilli ciyaareedkii hore, isagoo u saftay 44 kulan tartamada oo dhan, laakiin waxa lagu xaddiday 21 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkii 2023-24.

32-sano jirkaan ayaa kaliya ciyaaray 37 daqiiqo oo kubbadda cagta Premier League ah tan iyo bartamihii bishii Janaayo, wuxuuna qirtay horaantii bishaan inuusan ku faraxsanayn xaaladiisa hadda.

Tababaraha  Denmark Kasper Hjulmand ayaa sidoo kale qirtay inuu ka walaacsan yahay wax qabad la’aanta ciyaaryahanka khadka dhexe ee heerka kooxeed ka hor koobka qaramada Yurub ee xagaagan.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa 40-daqiiqo ka soo muuqday kulankii Liverpool ee FA Cup ka hor fasaxa caalamiga ah, laakiin waxaa lagu wadaa inuu ku soo laabto kursiga keydka kulanka horyaalka ee Brentford.

Sida laga soo xigtay Football Insider, Man United ayaa diyaar u ah inay u ogolaato Eriksen inuu baxo xagaagan inkastoo ay xaqiiqadu tahay inuu weli 12 bilood uga harsan yahay qandaraaskiisa.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in kooxaha ka dhisan Sacuudiga ee Pro League ay si gaar ah isha ugu hayaan xaaladiisa, iyadoo ay sidoo kale horay u soo bandhigeen dalabyo uu ku doonayo Turkiga.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed