Liverpool oo dooneysaa inay u ogolaato seddex ciyaaryahan inay ka tagaan xagaagan haddaba waa kuwama laacibiintaan

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay fasaxdo Joel Matip, Thiago Alcantara iyo Adrian xagaagan.
Reds ayaa isku diyaarinaysa waa cusub garoonka Anfield, iyadoo tababare Jurgen Klopp uu qarka u saaran yahay inuu ka tago dhamaadka xilli ciyaareedkan ka dib sagaal sano oo uu ku sugnaa Liverpool.

Sidoo kale waxa ay wajaheysaa isbedel dhanka tababarka ah, Liverpool waxa ay sidoo kale yeelan doontaa agaasime cusub oo dhanka ciyaaraha ah kadib bixitaankii Jorg Schmadtke horaantii sanadkan.

Liverpool ayaa dhawaan xaqiijisay in Richard Hughes uu si rasmi ah ula wareegi doono agaasimaha ciyaaraha kooxda dhamaadka xilli ciyaareedka 2023-24.

Agaasimihii hore ee farsamada Bournemouth ayaa loo magacaabay Michael Edwards, kaasoo kooxda dib ugu soo laabtay doorkiisa cusub ee madaxa kooxda Fenway Sports Group.

Sida laga soo xigtay Football Insider, Hughes ayaa horay u go’aansaday inuu u ogolaado seddex ciyaaryahan inay kooxda uga tagaan wakiilo xor ah dhamaadka xilli ciyaareedka.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed