Amaahda RB Leipzig ee Timo Werner ayaa isha ku haya heshiis joogto ah si uu ugu biiro Tottenham Hotspur.
Weeraryahankii hore ee Chelsea ayaa dib ugu soo laabanaya Premier League suuqa Janaayo, isagoo amaah ugu biiray Spurs ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka.
Werner ayaa wacdaro ka dhigay mudadii koobnayd ee uu la joogay kooxda Lilywhites isaga oo dhaliyay laba gool isaga oo caawiye ka noqday 2 kale 8 kulan oo uu ciyaaray horyaalka premier League.
Jarmalka ayaa goolkiisii ugu horeeyay u dhaliyay Spurs kulan ay 3-1 kaga badiyeen Crystal Palace horaantii bishaan, ka hor inta uusan gool ka dhalinin kulankii xigay ee Aston Villa.
Inkastoo uu shabaqa soo taabtay labadaas kulan, Werner ayaa kaliya ku soo bilowday mid ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay Tottenham.
Warbixin dhawaan la soo saaray ayaa sheegaysa in Leipzig ay doonayso in ay ogaato ka hor bilowga Euro 2024 haddii ay Spurs doonayso in ay Werner ku iibsato 15 milyan oo gini.
Sida laga soo xigtay saxafiga Florian Plettenburg, Werner ayaa rajeynaya inuu sii joogo Waqooyiga London wixii ka dambeeya dhamaadka xilli ciyaareedka.
HBN SPORTS DESK