Bruno Fernandes iyo Marcus Rashford oo rigoorayaal Manchester United kaga caawiyay inay garaacdo Everton iyo waxyaabihii ciyaarta laga diiwaan galiyay.

Manchester United ayaa ka soo kabsatay labo guuldarro oo xiriir ah oo Premier League ah, waxayna 2-0 kaga badisay Everton ciyaar ka dhacday Old Trafford. Bruno Fernandes iyo Marcus Rashford ayaa qeybtii hore ee ciyaarta ka dhaliyay gool ku laad kooxda Toffees oo ku guuldareystay inay gool u badalaan mid ka mid ah 23kii isku day ee ay goolka ku doonayeen,iyaga oo lix shuuta ku aadiyay goosha United.

Inkasta oo Everton ay dadaal badan u gashay sidii ay shabaqa u soo gaadhi lahayd, Red Devils ayaa u adkaysanaysa sidii ay u xaqiijisan lahayd shabaqooda siddeedaad ee xili ciyaareedkan iyo sidoo kale guusheedii 41 aad ee Premier Leaque-ga ee ay ka gaareen Toffees – waxayna jabiyeen rekoodhkii guulaha ugu badan ee ay koox ka gaartay koox kale taariikhda.

Inkasta oo guushii Erik ten Hag ay ka dhigtay in ay kaalinta lixaad kaga jirto miiska kala saraynta Premier Leaque-ga, haddana rajadii laga qabay in ay Champions Leaque-ga ka soo baxdo ayaa sare u kacday kadib markii ay 3 dhibcood u soo jirsatay kooxda kaalinta shanaad ku jirta ee Tottenham Hotspur, taasoo u safartay Aston oo kaalinta afraad ku jirta  Villa Axadda.

Dhanka Everton, waxa ay sii kordhisay guul la’aanteeda 11-kulan, hal kaliya ayaa ka yar rikoor ay dhigtay kooxda 1994-tii, wiilasha Sean Dyche-na waxa ay haatan ku jiraan kaalinta 16-aad ee kala sareynta horyaalka, iyagoo shan dhibcood ka sarreeya aagga heerka labaad.

Labada kooxoodba waxay doorteen inay magacawdaan shax aan waxba iska beddelin, Everton ayayna ciyaarta ku bilaabatay si xooggan, iyadoo ka faa’iidaysanaysa habacsanaanta Man United ee kubad haysashada; Dwight McNeil ayaa abuuray fursadii ugu horeysay ee kooxda martida aheyd, isagoo karoos uu ka soo qaaday dhanka bidix uu ka leexiyay Amadou Onana isagoo sii galay wadada Ben Godfrey, laakiin Andre Onana ayaa si deg deg ah u badbaadiyay si uu qatarta u xakameeyo.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed