Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inaysan qorsheyneynin inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Manchester United Marcus Rashford inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Kooxda heysata horyaalka France ayaa haatan isku diyaarineysa bixitaanka Kylian Mbappe, iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka France si weyn loo saadaalinayo inuu beeca xorta ah ugu biiri doono Real Madrid dhamaadka ololahan.
Waxaa jiray soo jeedinno sheegaya in PSG ay si weyn u dooneyso Rashford, iyadoo kooxda ka dhisan caasimadda la sheegay inay xiiso waqti dheer ah u qabto xiddiga heerka caalami ee dalka England, kaasoo ku dhibtooday inuu soo bandhigo qaab ciyaareedkiisa ugu fiicnaa xilli ciyaareedkii 2023-24.
Si kastaba ha ahaatee, wax soo saarka akadeemiyada Red Devils hadda kuma jiro raadaarka PSG, sida uu qabo saxafiga kubada cagta Faransiiska Julien Laurens.
“Waqtigan xaadirka ah, Rashford kuma jiro liiska musharaxiinta ee ay PSG diyaarisay,” Laurens ayaa u sheegay talkSPORT. “