Xubnaha kooxda koowaad ee Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inaysan filaynin in Erik ten Hag uu ku sii nagaan doono kooxda dhammaadka xilli ciyaareedkan.
macalinka reer Holland ayaa haatan ku jira ololihiisii labaad ee Old Trafford, waxaana uu markii ugu horeysay ku guuleystay EFL Cup oo uu ku dhameystay kaalinta seddexaad ee Premier League.
Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo ay guulo wakhti gaaban ah gaareen, United waxa ay wali la dhibtoonayaan in xili hore laga ciribtiro champions league waxana ay ku sii jiraan dibada si ay ugu soo baxaan tartanka xilli ciyaareedka dambe.
Kadib guuldaradii Manchester derby ee Axadii kasoo gaartay deriskooda Manchester City, United ayaa haatan lix dhibcood ka sareysa Tottenham Hotspur oo ku jirta kaalinta shanaad halka 11 ay ka hooseeyaan Aston Villa oo ku jirta kaalinta afaraad.
Waxa ay sidoo kale afar dhibcood oo kaliya ka hooseeyaan Newcastle United oo ku jirta kaalinta 8aad, inkastoo Ten Hag uu United ku hogaamiyay wareega 8da FA Cup, halkaasoo ay ku wajihi doonaan Liverpool.
Sida laga soo xigtay Daily Mail, xubnaha kooxdu waxay qabaan fikradda ah macalinkaan kooxda la eryo maaddaama hoos u dhac weyn uu ku yimid ciyaartiisa, balse xubnaha qaar ayaa weli doonaya in fursad la siiyo macalinka.
HBN SPORTS DESK