Manchester United oo ku biirtay tartanka loogu jiro xiddiga Bayern Munich Joshua Kimmich

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso xaaladda Kimmich ee Bayern Munich, iyadoo Red Devils ay kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixiisa.
28-sano jirkaan ayaa qandaraaskiisa Allianz Arena wuxuu dhacayaa Juun 2025, waxaana jiray soo jeedinno ku saabsan inuu u dhaqaaqo inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda.

Kimmich ayaa mar kale ahaa ciyaaryahan muhiim u ah Bayern xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay hal gool, caawiyayna lix gool 20 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan, laakiin waxaa jira hubanti la’aan ku hareeraysan mustaqbalkiisa fog.

Barcelona ayaa lala xiriirinayay xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka intii uu furnaa suuqa kala iibsiga xagaagan, halka la fahamsan yahay in Manchester City ay sidoo kale dooneyso saxiixiisa.

Sida laga soo xigtay saxafiga Ekrem Konur, waxaa sidoo kale xiiso ka helaya Man United, iyadoo kooxda 20-ka jeer heysata horyaalka Ingariiska lala socodsiiyay wax walba oo ku soo kordha suuqa kala iibsiga Janaayo.

Kimmich ayaa la sheegay inuu u furan yahay u dhaqaaqista horyaalka Premier League, iyadoo Liverpool sidoo kale la sheegay inay ku jirto loolanka loogu jiro saxiixiisa kooxaha Barcelona iyo Man City.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed