5 caqabadood oo hortaagan mashruuca Trump ee Gaza

Qorshaha madaxweyne Donald Trump ee la xiriira in Mareykanka uu gacanta ku dhigo marinka Gaza iyo in laga barakiciyo dadka halkaasi ku nool waa riyo aan suurtagal ahayn, waxaana ay kicisay caro iyo mucaaradad ballaaran.
Hadalkani wuxuu daba socdaa fikrado kale oo uu horay u soo jeediyay tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, sida qabshashada Kanaalka Panama iyo Greenland, in Canada looga dhigo gobolka 51-aad ee Mareykanka, iyo u raridda “dembiilayaasha lagu eedeeyay falalka rabshada xambaarsan” xabsiyada Mareykanka si ay xukunkooda ugu dhamaystaan El Salvador.

Sida qorshayaashiisii hore, soo jeedinta Trump ee Gaza waxay wajahaysaa caqabado badan, kuwa ugu waaweyn waxaa ka mid ah:-

1. Dadka Reer Gaza oo Dhulkooda U Dagaallamaya.
Qorshuhu ma tixgalinayo sida ay reer Falastiin ugu dheggan yihiin dhulkooda, taasoo caddeyn u ah in nus milyan qof oo barakac ah ay dib ugu laabteen waqooyiga Gaza isla markii xabbad-joojinta lagu dhawaaqay, inkastoo aaggaasi uu ku burburay dagaalka Israa’iil 15-kii bilood ee la soo dhaafay ay waday.

Lamees Awadi oo ah gabar 22 jir, oo la hadashay wakaaladda wararka AFP markii ay gurigeeda ku laabatay Janaayo 28-keedii waxay tiri:
“Tani waa maalintii ugu farxadda badnayd noloshayda. Waxaan dib u dhisan doonnaa guryahayaga, xitaa haddii aan ka sameyno dhoobo iyo ciid.”
Danjiraha Falastiin ee Qaramada Midoobay Riyad Mansour ayaa yiri “Dalkayagu waa dalkayaga.” Wuxuu intaa ku daray in haddii dadku rabaan in Falastiiniyiinta loo raro “meel qurux badan oo farxad leh,” ay iska tahay in loo celiyo guryahoodii asaliga ahaa ee gudaha Israa’iil, halkaasoo ay si dhab ah ugu farxi doonaan inay ku laabtaan.

2. Qodobaka labaad ee caqabaha ku ah macshuuraca Trimo Mucaaradad Carbeed
Si ka duwan sida Trump filayay, hindisihiisa waxaa si adag uga hor yimid wadamada Carabta. Sabtidii, wasiirrada arrimaha dibadda ee Masar, Urdun, Imaaraadka, Sacuudiga iyo Qatar waxay si wadajir ah uga soo horjeesteen wax kasta oo xadgudub ku ah “xuquuqda aan la dafiri karin ee Falastiiniyiinta.”

Arbacadii, Qaahira waxay ugu baaqday in Gaza si degdeg ah dib loo dhiso iyadoo aan la barakicin dadkeeda, halka boqorka Urdun uu sidoo kale si adag u diiday in Falastiiniyiinta la raro.
Emily Harding oo ka tirsan Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiga iyo Caalamiga ee Washington ayaa tiri “Waxay filayaan in jawaabaha ay ka wareegaan jahawareer una gudbaan diidmo, iyadoo mudaaharaadyo laga sameyn doono guud ahaan Bariga Dhexe iyo meelo kale maalmaha soo socda.”

3. Qodobka saddexaad Taariikhda Mareykanka
Mashruuca uu Trump shaaciyay Talaadadii waxaa ku xusnaa in ciidamo Mareykan ah la geeyo Gaza, taasoo jebineysa ballanqaadyadii ololihiisa doorashada.

Waxaa la filayaa in Xamaas ay si adag uga hortimaado qorshahan, iyadoo la xasuusan yahay in ujeeddadii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ee ahayd in Xamaas la burburiyo aan la gaarin inkastoo Israa’iil ay dagaal adag la gashay muddo 15 bilood ah.
Xamaas iyo xulafadeeda sida ururka Jihadul Islaami waxay awood u leeyihiin inay dagaal hubeysan oo jiha wareerin ah la galaan Mareykanka.

Mareykanka weli wuu xusuustaa dhacdooyinkii murugada lahaa ee ay kala kulmeen dagaalladii uu ka galay Vietnam, Afgaanistaan iyo Ciraaq.
Diblumaasi Yurubiyan ah oo ku sugan Qudus ayaa yiri “Mashruuca Trump wuxuu si toos ah uga hor imaanayaa mabda’iisa ‘America First’ (Mareykanka ayaa ah ), laakiin wuxuu rumeysan yahay in wax walba si wanaagsan u dhici doonaan, inaysan ahayn dagaal, sida Afgaanistaan ama Ciraaq. Wuxuu si dhab ah u maleynayaa inuu dadkan ku qancin karo – taasina waa wax aad u cabsi badan.”

4. Caqabada afaraad waa Xeerarka Caalamiga ah
Trump wuxuu jebiyay xeerar badan oo caalami ah oo Mareykanku dhowrayay tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka, xitaa hadal ahaan.

Tamer Morris, oo ah khabiir ku takhasusay sharciga caalamiga ah kuna sugan Jaamacadda Sydney, oo arrimahan ka hadlay ayaa yiri “Mareykanku wuxuu Gaza xukumi karaa oo kaliya haddii Israa’iil ogolaato, taasina suurtagal ma ahan.”

Wuxuu intaa ku daray in xitaa Maamulka Falastiin “uusan Mareykanka siin karin ogolaanshaha magaca dad xaq u leh inay iyagu aayahooda ka tashadaan.”
Qaramada Midoobay waxay digniin u jeedisay Mareykanka, iyadoo xustay in xeerarka caalamiga ah si adag u mamnuucayaan in si qasab ah dad looga raro dhul la haysto.

5. Qodobada shanaad Digniin Israel Ka Timid
Mas’uuliyiinta Israel ayaa muujiyay taxaddar, marka laga reebo taageerayaasha Ra’iisul Wasaare Netanyahu.
David Khalfa, oo ah qoraaga buugga “Israel-Palestine, Year Zero,” wuxuu yiri “Midigta fog ee Israel waxay dareemaysaa farxad iyo rayn-rayn.”
Balse xubnaha dhexdhexaadka ah ee baarlamaanka Israel waxay bogaadiyeen Trump, iyagoo shaki ka muujiyay suurtagalnimada mashruuciisa.
Hoggaamiyaha mucaaradka Israel Yair Lapid wuxuu yiri “Xaqiiqdii, Israa’iiliyiintu ma sugi karaan in Mareykanka uu qorshayaal u sameeyo sidii looga bixi lahaa xiisadda.”

Cilmi-baarayaasha waxay aaminsan yihiin in Lapid uu u arko qorshaha Trump mid aan suurtagal ahayn oo keeni kara dhibaatooyin cusub.
“Trump asal ahaan waa ganacsade” ayuu yiri cilmi-baaraha, “wuxuu isku dayayaa inuu cid walba ka dhex abuuro xal si looga baxo qalalaasaha Israa’iil iyo Falastiin – balse wuxuu noqon karaa dib u soo celinta musiibo hore.”

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed