Ciyaar saaxiibtinimo oo taariikhi ah ayaa galabta ku dhexmartay garoonka Muqdisho Stadium Xiddigaha Halyeeyada Afrika, Xiddigaha Halyeeyada Soomaaliya iyo ciyaartoy ajaanib ah oo ka tirsan kooxaha gudaha dalka.
Kulanka ayaa noqday mid si gaar ah loo xusuusan doono, maadaama uu yahay mid ka tarjumaya amniga iyo horumarka muuqda ee dalka Soomaaliya gaaray, sida uu sheegay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale la sheegay in kulankan uu fariin nabadeed u gudbinayo caalamka, isagoo muujinaya in Soomaaliya diyaar u tahay martigelinta ciyaaraha heerka caalami.
Ciyaarta saaxiibtinimo ee maanta lagu qabtay garoonka Muqdisho Stadium ee dhex martay Xiddigaha Halyeeyada Afrika iyo Xiddigaha Halyeeyada Soomaaliya ku soo dhammaaday 8-4 ay guushu ku raacday xiddigaha Afrikaan ah.
Halyeeyadan ayaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho maanta, iyaga oo marti u ahaa Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed (SFF). Ujeedada safarkoodu waxay tahay inay qiimeeyaan heerka horumarka kubadda cagta Soomaaliya, inay kor u qaadaan sumcadda ciyaaraha dalka iyo in la dardargeliyo dadaallada Soomaaliya ku doonayso inay mar kale ku martigeliso ciyaaraha caalamiga ah gudaha dalka, gaar ahaan marka ay timaado ciyaaraha xulalka ee “guri ku ciyaarista” (home matches).
Ciyaarta ayaa lagu tilmaamay mid muujinaysa nabadda iyo xasiloonida soo kordheysa ee Soomaaliya, iyadoo fariin xooggan u dirtay beesha caalamka oo muujineysa in Muqdisho diyaar u tahay martigelinta munaasabadaha waaweyn ee isboortiga.
Kulanka maanta ayaa sidoo kale dhiirrigelin weyn u noqday dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa hibada leh ee doonaya inay mustaqbalka gaaraan heer caalami ah.
HBN ONLINE TV