Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay wali raadineyso Santiago Gimenez, iyadoo kooxda laga yaabo inay u dhaqaaqdo weeraryahanka dhexe ee Feyenoord inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
22 jirkan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Feyenoord intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2023-24, isagoo dhaliyay 20 gool, waxaana uu diiwaan geliyay shan caawin 22 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.
Gimenez waxa uu dhaliyay 18 gool waxana loo diwaan galiyay 4 caawin 16 kulan oo uu ka maqnaa Eredivisie halka uu laba gool iyo hal caawiye ka ahaa afar kulan oo uu ciyaaray heerka guruubyada ee champions league.
Barcelona, Real Madrid, Arsenal, Chelsea iyo Tottenham Hotspur ayaa ka mid ah kooxaha lala xiriirinayo weeraryahanka, halka West Ham la rumeysan yahay inay soo bandhigtay xiisaha.
Sida laga soo xigtay saxafiga Ekrem Konur, Man United ayaa sidoo kale si adag ugu jirta tartanka, iyadoo kooxda heysata 20-ka jeer ee Ingariiska ay suuqa ugu jirto weeraryahan cusub xagaagan.
Rasmus Hojlund ayaa dhaliyay lix gool 24 kulan oo uu u saftay Red Devils xilli ciyaareedkan, laakiin 20 jirkaan ayaa kaliya hal gool ka dhaliyay Premier League ka dib markii uu ka soo dhaqaaqay Atalanta BC.
Warbixin dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in Feyenoord ay Gimenez ku qiimayso in ka badan 87 milyan oo gini, inkasta oo ayna u badnayn in koox kasta ay diyaar u tahay in ay qiimahaas ku iibiso xiddiga reer Mexico.
HBN SPORTS DESK