Man City oo isha ku haysa taariikhdeeda Premier League berrito xilli ay Arsenal ku dhiiratay in ay ku riyooto damaceed ilaa 90-ka daqiiqo

Manchester City ayaa qarka u saaran inay ku guuleysato koobkeedii afaraad oo xiriir ah Premier League, laakiin Arsenal ayaa sugeysa iyadoo rajeyneysa inay ka siibto hogaanka kulanka axada.

Kooxda Pep Guardiola  ayaa galaysa maalinta ugu dambaysa xilli ciyaareedkan iyaga oo laba dhibcood ka sareeya kooxda ku jirta kaalinta 2-aad ee Arsenal iyada oo uga mahad celinaysa 8 kulan oo xiriir ah oo ay badisay.

City, oo martigelineysa West Ham iyadoo og in guul ay gaarto ay xaqiijin doonto horyaalka, ayaa ah kooxda ugu cadcad inay dejiso jaangooyo cusub oo ay ku yeelan karto kubada cagta Ingariiska.

Arsenal, oo gurigeeda kula ciyaareysa Everton kulankeedii ugu dambeeyaya ee 2024.

Si kastaba ha ahaatee, guuldaradii qaaliga ahayd ee Gunners 2-0 kala kulantay Aston Villa bishii hore ayaa u muuqata mid go’aamin doonta tartanka xiisaha leh ee sidoo kale ku lug lahaa Liverpool ilaa ay dhawaanahan ku turunturoodeen.
Ma ahan markii ugu horeysay, City ayaa ku jirta heerkeeda ugu fican ee kulaylka daran ee orodka.

Wiilasha Guardiola ayaa lumiyay kaliya lix dhibcood tan iyo bartamihii bishii December, barbaro ay la galeen Chelsea, Liverpool iyo Arsenal.

Iyadoo City ay ku dhowdahay horyaalnimada lixaad todobadii xilli ciyaareed ee uu hogaaminayay Guardiola, tartanka loogu jiro horyaalka daawashada badan caalamka ayaa la iswaydiiyay.

Laakiin tababaraha reer Catalan ayaa ka jawaabay soo jeedinta Premier League ayaa noqotay caajis iyo in maamulka City ay uga mahadcelinayaan muruqa dhaqaale ee milkiilayaashooda fadhigoodu yahay Abu Dhabi.

“Ma ahan caajis, waa wax adag,” Guardiola ayaa yiri, isagoo ku daray in iyadoo lagu saleynayo heerarka kharashaadka, Manchester United, Chelsea iyo Arsenal waa inay la mid noqdaan City.

David Moyes ayaa hogaamin doona kooxda West Ham markii ugu danbeysay ee ka dhici doona garoonka Etihad Stadium.

Arsenal oo kaalinta labaad ku dhameysatay sanadkii hore ayaa ku qasban inay garaacdo Everton, waxaana ay rajeynayaan in City ay ku guuldareysato inay guul gaarto hadii ay dooneyso inay soo gabagabeyso 20 sano oo ay sugeyso horyaalka.

Ragga Mikel Arteta ayaa dhigay rikoor naadi ah iyagoo badiyay 27 kulan oo Premier League xilli ciyaareedkan, laakiin taasi wali kuma filna haddii City ay qaado horyaallka.

“Waa inaan nafteena siino fursad aan ku noolaano maalin qurux badan Axadda, halkaas oo riyadu ay weli nooshahay oo ay suurtagal tahay,” Arteta ayaa sidaas yiri.

Berro waa maalinta ugu xamaasada badan Premeir League, dhammaan mucaashaqiinta kubadda cagta ayaa isku diyaarinaya kulamada oo kulli soo dhacay hal waqti kulamada ugu dambeeya ee 2023-4.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed